Taliye ciidan oo isku day dil kaga badbaaday magaaladda Gaalkacyo

Image

GAALKACYO, Puntland – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya taliye ciidan oo Arbacada maanta ah isku day khaarjin ah kaga badbaaday waqoyga magaaladda Gaalkacyo, xarunta gobolka Mudug.

Cabdiqani Jaamac Axmed [Xabuun], taliyaha saldhiga bartamaha waqoyga magaaladaas, ayaa shaaca ka qaadey in falkaas uusan geysan wax khasaaro ah – dhimasho ama dhaawac.

Gaariga oo nooca raaxadda ah ayaa wuxuu ku dhex-qarxay guri uu taliyuhu deganaa, sidda laga soo xigay isaga.

"Aniga oo damacsan in aan shaqadda aado ayaan arkay in gaariga qarax lagu soo xiray. Kadib caruurtii iyo xaaska ayaa ka daad-gureeyay hoyga, kadib ayuuna qarxay," ayuu yiri taliyaha.

Illaa iyo haatan ma jirto koox dusha saaratay mas'uuliaydda falkan, oo looga bartay Al-Shabaabka Soomaaliya.

Laamaha ammaanka oo durba meesha ay wax ka dhaceen tagay ayaa bilaabay baaritaano ay ku baadigoobayaan raggii gaariga kusoo rakibay baabuurka oo burbur xoogan uu soo gaarey.

Sawirro laga soo qaadey hoyga ayaa muujinaya in hoyga taliyaha uu sidoo kale burbur soo gaarey qayb ahaan.

"Habeenkii xili aan hurudnay ayaa noola soo dhacay oo gaariga lagu xiray Qaraxa nooca telefoonadda laga hago, si ay u qarxiyeen markan aan subaxii shaqada ku aadayo," ayuu u sheegay mid kamid ah idaacadaha Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM