Taliye cusub oo loo magacaabay booliska Puntland

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland wuxuu u magacaabay Sareeye Guuto Maxamed Cali Xaashi.

Xaashi ayaa badalaya Cabdi Yare oo horay u soo noqdey madaxa hay'adda mukhaabaraadka dowladda Puntland.

Sidoo kale, Xaashi ayaa tan iyo dowladdii Cabdiraxmaan Faroole wuxuu ahaa taliyaha ciidamadda booliska dekadda Boosaaso.


MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY TALIYAHA CIIDAMADA BOOLISKA PUNTLAND.

Garoowe: 01 November 2021: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 32 ee 1-da November 2021 kuna saabsan magacaabid Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo Dar-dar gelinta Amniga.

Markuu la tashtay: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland.

Markuu Tixgeliyey: Aqoontiisa, kartiisa iyo waayo-aragnimadiisa Ciidannimo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa S/Guuto Maxamed Cali Xaashi loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

*Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND


Isbedelkan ayaa kusoo aadaya xilli lagu wado in dowladda Puntland ay maalmaha soo aadan bilowdo doorashooyinka Aqalka Hoose taasoo ka dhaceysa magaalooyinka Boosaaso iyo Garowe.

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM