​Taliye ku-xigeen katirsan Booliiska Puntland oo la dhaawacay

Image

BOSASO, Puntland- Labo nin oo Bastoolado ku hubaysan ayaa magaalada Bosaso ku dhaawacay Taliye ku-xigeenka Labàad ciidamada Booliiska Puntland.

Jaamac Saxardiid, ayaa LA weeraray xilli uu ku sugnaa Makhaayad ku taalla magaalada Bosaso xarunta gobolka Bari.

Dhaawac halis ayaa lagu waramayaa inuu weerarka kasoo gaaray Taliyaha.

Nimankii falka gaystay, ayaa goobta ka baxsaday iyadoo aan wali la aqoonsan haybtooda.

Lama oga sababta loo weeraray Taliye Saxardiid.

Ciidamada ammaanka, ayaa durba goobta soo gaaray iyagoo sameeyay baaritaano kala duwan.

Majirto ilaa hadda cid falkaas ka hadashay iyo koox sheegatay mas'uuliyadda weerarka Taliye Saxardiid.

Xaaladda magaalada ayaa dagan inkastoo laga dareemayo howlgallo ciidan iyo baaritaano socda.

Dhacdadan, ayaa kusoo aaday xilli dhawaan howlgal ciidanku ka sameeyeen degmada Qandala oo ay qabsadeen mallayshiyaad taabacsan Daacish, kuwaas oo fakaday dhinaca Buuraha.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM