​Taliye ku-xigeen lagu dilay magaalada Bosaso

Image

BOSASO, Puntland- Dablay aan haybtooda la aqoonsan ayaa goordhaweyd bartamaha magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari ku toogtay AUN Taliy ku-xigeenkii Saldhiga Bartamaha magaalada oo lagu magacaabi jiray Cabdi Cali Muuse (Cabdi Dheere).

Dilka Marxuumka ayaa ka dhacay meel aan ka fogayn Saldhiga islamarkaana ku dhow Maxkamadda Darajada Koowaad ee gobolka Bari.

Lama oga sababta loo dilay iyo cidda dishay waxay ahayd iyadoo todobaadkan dhexdiisa sidoo kale dil loogu gaystay magaalada Bosaso Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee gobolka Bari.

Ilaa hadda wax war ah kama soo bixin laamaha amniga Puntland iyo taliska qaybta magaalada Bosaso.

Xaaladda ayaa iminka dagan waxaana goobta dilka uu ka dhacay soo gaaray ciidamo katirsan kuwa booliiska kuwaasoo sameeyay baaritaano aan cid lagusoo qaban.

Dablayda dishay Cabdi Dheere ayaa goobta ka baxsatay.

Arrintan ayaa kusoo beegantahay xilli magaalada Bosaso oo marsii horaysay amnigeedu faraha ka baxay muddooyinkii dambe ay wanaagsanayd iyadoo laga nastay dilal ay gaysan jireen mallayshiyaad katirsan Al Shabaab.

Gobolka Bari ayaa waxaa ku sugan kooxo katirsan Al Shabaab iyo Daacish kuwaasoo inta badan mas’uul ka ah dilalka ka dhacay xarunta ganacsiga Puntland.

Wixii faah faahin kasoo kordha warkaas dib ayaan idiin la socodsiin doonaa

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM