Taliye ku xiigeenkii ciidamada Booliska Puntland oo u dhintey dhaawac soo gaarey

Image

BOSSASO, Puntland- Taliye ku xigeenkii labaad  ee ciidamada Booliska Puntland Col. Jamac Saxardiid ayaa u dhintey saaka dhaawac kooxo dabley ah u gaysteen maalintii shaley  isaga oo fadhiya goob makhaayad ah ee ku taal magaalada Bossaso.

Sarkaalka dhintey oo lagu daaweynayey Isbitaal ku yaal magalada Bossaso ayaa sida wararka sheegayan dhaawacyo culus kasoo gaareen weerar shaley la beegsadeen labo dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa bistoolado.

Kooxda Al shabaab ayaa sheegatey in weerarkaan sarkaalkaan ka dambeysay iyagoo warkaas ku baahiyey bogaga ku hadla af-kooda.

Dilka Col.Saxardiid ayaa imaanaya asbuuc kadib markii ciidamada Puntland magalada Qandala ka qabsadeen kooxaha maleeshiyaad ah oo sheegey iney taagersan yihiin ururka Daacish.

Taliyaha dilkiisa ayaa sidoo kale imaanaya xilli habacsanaan balaaran ka jirto amniga Puntland marka laga eego dhinaca sirdoonka iyo mushahar siinta ciidamada ku howlan ilalainta sugida amaanka magaaloyinka waaweyn ee hoos yimaada maamulka.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM