Taliyihii booliska gobolka Mudug oo is casiley

Image

January 8, 2015 (GO)- Taliyihii qaybta booliska gobolka Mudug Cabdulaahi Shire Dool oo isagoo degmada Bursaalax ku sugan u waramay mid kamid ah idaacadaha maxalliga ah ee Puntland ayaa shaaciyey inuu xilkaas iska casiley.

Sababo la xiriira cadaalad darro iyo faragelin joogto ah oo lagu hayo shaqadiisa ayuu sheegay in is-casilaadiisu salka ku hayso, inkastoo uu ka gaabsaday faah faahin dheeri ah inuu bixiyo.

Garowe Online ayaa xog hoose ku heshay in sababta Gaashaanle Sare Dool isu casiley tahay kadib markii ay isku dheceen taliye ku-xigeenkiisa ahna taliyaha Ciidanka Birmadka Cabdirashiid Xasan.

Wararku waxay intaas ku darayaan in Cabdulaahi Dool saluugay mushahar la'aanta ciidanka iyo  awooda dheeriga ah ee la siiyey taliye ku-xigeenkiisa isagoo sheegay inuusan hadda kadib sii ahaan karin taliye magac-u-yaal ah maadaama ku-xigeenkiisu ka awood badan yahay.

Maanta waxay ku beegan tahay sanad-guradii 1aad ee kasoo wareegtey markii lasoo dhisay xukuumadda Madaxweyne Cabdiweli Gaas, waxaana xusid mudan in badi shaqaalaha dowaldu muddo dhowr bilood ah wax mushaharaad ah qaadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM