Taliyihii ciidamada madaxtooyadda Puntland oo lagu dilay Gaalkacyo

Image

GAALKACYO, Puntland - Taliyihii ciidamadda madaxtooyada Puntland, Cismaan Cumar Maxamed [Cismaan Itoobiyaan], ayaa ku dhintay iska hor-imaad ka dhacay magaalada Gaalkacyo, xarunta gobolka Mudug.

Is-rasaaseynta ayaa ka dhalatay howlgal ay ciidamadda ammaanka dowladda kula wareegeen xeradda Kabista halkaasoo kooxo hubeysan ay haysteen kuna iibin-jireen maandooriye uu Khamriga kamid yahay.

Maamulka gobolka iyo kan degmada oo sheegay in howlgalka lagu guuleystay ayaa xusay in ay gacanta kusoo dhigeen shan "maxaabiis" isla markaana mid kamid ah uu goobta ku dhaawacmay.

War-saxaafadeed nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online kana soo baxay taliska booliska gobolka Mudug ee Puntland ayaa lagu soo dhaweeyay la wareegida xeradda Kabista.

"Waxayna sheegeen ciidanka howlaglka fuliyey maamulka gobolka iyo kan degmadaba in [xerada ay] ahayd saldhigga khamrada iyo maandooriyaha kale lagu kala iibsho, taas oo dhibaato amaan [ku haysey] magaalada Gaalkacyo," ayuu lagu yiri.

Khasaaraha dhimashadda iyo dhaawac ayaan wali si rasmi ah loo ogeyn, wallow la xaqiijiyey in ay jirto waxyeelo dhinacyadda dagaalamay soo gaarey.

Ma jiro wax war ah oo dowladdu kasoo saartey dhimashadda taliyaha oo goobta ku sugnaa inta uu howlgalku socday isla markaana ay haleeshay xabad isaga iyo darawalka gaarigiisa shaqsiga ah.

Alle ha u naxariistee, marxuum Cismaan oo haystay darajada Gaashaanle Sarre ayaa lagu waddaa in la aaso saacadaha soo aadan kana qeybgalaan duugtiisa mas'uuliyiin kala duwan.

Gaalkacyo waa magaalo ay dhanka waqooyi ka maamusho Puntland, halka dhanka koonfurna ay ka arimiso Galmudug. Muddooyinkii u dambeeyay ciidamada waxay kawada shaqeynayeen xasilinta xarunta gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM