Taliyihii ciidanka garoonka diyaaradaha Bosaso oo la diley

Image

December 7, 2015 (GO)- Waxaa goor dhow toogasho lagu diley taliyihii ciidamada garoonka diyaaradaha ee magaalada Bosaso Xasan Shire Ammaan.

Ila-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Garowe Online u sheegay in taliyaha uu diley askari ka tirsan ilaaladiisa, lamana oga ilaa iyo hadda sababta ka dambeysa dilka.

Xasan Shire Ammaan ayaa muddo dheer soo ahaa taliyaha ciidamada garoonka diyaaradaha ee Bosaso, wuxuuna xilka qabtay xilligii Puntland uu madaxweynaha ka ahaa Jen. Cadde Muuse.

Faah faahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gubin doonnaa...

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM