Taliyihii Ciidanka Isku Dhafka Galkacyo ee la dhaawacay oo dhintay

Image

GALKACYO, Puntland – Taliyihii Ciidamada Isku Dhafka ee magaaladda Galkacyo ayaa u geeriyooday dhaawac culus oo kasoo gaarey weerar toogasho ah oo ay dabley hubeysan xalay ku beegsatay.

Gaashaanle Dhexe Khaliif Nuur Shiil ayaa la weeraray isaga oo kasoo baxay Masjid ku yaala xarunta gobolka Mudug, kaasi oo uu kusoo oogay Salaada Taraawiixda, sidda ay sheegeen goobjoogeyaal.

Sidda ay xaqiijiyeen saraakiisha amniga, gacan ku dhiigleyaasha ayaa durba ka cararay goobtaa kahor inta aysan soo gaarin ciidamada amaanka oo sameeyay howlgalo lagu ugaarsanayo raggaasi.

Kooxda Al-Shabaab ee gacan-saarka la leh Urur-waynaha Al-Qaacida ayaa dusha saaratay mas'uuliyadda falkaasi lagu beegsaday Marxuum Shiil, oo lagu wado in lagu aaso qubuuraha magaalada.

Madaxda heer degmo ilaa iyo heer gobolka Mudug ee labada maamul Puntland iyo Galmudug oo tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada Marxuumka ayaa la filayaa in ay ka qaybgalaan aaska.

Ciidamada Isku Dhafka magaaladda Galkacyo oo ay aas-aasitaankooda door wayn ka ciyaartay Qaramada Midoobay ayaa loo sameeyay in ay ka qayb qaataan dadaalada nabaddeynta caasimad goboleedka Mudug.

Dilka taliyaha ayaa kusoo beegmaya xili dhowaanahaan amaanka magaaladda uu ahaa mid xasiloon isla markaana aanan lasoo warin falal liddi ku ah nabad-gelyada taasi oo ka dambeysay kadib markii la sare loo qaaday roondooyinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamadda Puntland oo qabtey nin ku hubaysan walxaha qarxa

Howlgalkan ayaa xalay saqdii dhexe waxa uu ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Boosaaso.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 05:32PM

Puntland iyo Sweden oo ka shiray iskaashi dhanka mashaariicda horumarinta

Madaxweyne Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya, Joachim Waern.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 03:34PM