Taliyihii hore ee sirdoonka Puntland Cabdi Yare oo xilka wareejiyey

Image

April 6, 2015 (GO)- Munaasabad ay xilalka kula kala wareegayeen taliyihii hore ee ciidamada sirdoonka Puntland Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare) iyo taliyaha cusub ee dhowaan xilkaas loo soo magacaabey Cabdirisaaq Ciise Khaatumo ayaa galabta ka dhacdey magaalada Garowe.

Mas'uuliyiin xukuumadda Puntland ka tirsan, isimmo, xildhibaanno iyo saraakiil ciidan ayaa kasoo qayb galay munaasabadda xil wareejinta. Mas'uuliyintaas waxaa kamid ah: Wasiirka Amniga Xasan Allore iyo taliyaha ciidamada Daraawiishta Siciid Dheere.

Taliyihii hore ee sirdoonka Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare) ayaa u hambalyeeyey taliyaha cusub isagoo ballan qaadey inuu si wanaagsan ula shaqeyn doono. Dhanka kale, taliye Khaatumo ayaa ka mahadceliyey qaabka xilka loogu wareejiyey.

Qaar kamid ahaa madaxdii dhaqanka iyo mas'uuliyiintii xafladda xil wareejinta soo xaadirey ayaa iyaguna carrabka ku adkeeyey inay lagama maarmaan tahay in ammaanka laga shaqeeyo isalmarkaana laga fogaado wax kasta oo nabadgelyada gobolka khalkhal gelin kara.

Xil wareejintan ayaa timid kaddib markii xal laga gaarey khilaaf muddo todobaadyo ah soo jiitamayey oo ka dhashey xil ka qaadis Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Gaas ku sameeyey saraakiil ciidan oo Cabdi Yare kamid yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM