Taliyihii hore ee sirdoonka Puntland Cabdi Yare oo xilka wareejiyey

Image

April 6, 2015 (GO)- Munaasabad ay xilalka kula kala wareegayeen taliyihii hore ee ciidamada sirdoonka Puntland Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare) iyo taliyaha cusub ee dhowaan xilkaas loo soo magacaabey Cabdirisaaq Ciise Khaatumo ayaa galabta ka dhacdey magaalada Garowe.

Mas'uuliyiin xukuumadda Puntland ka tirsan, isimmo, xildhibaanno iyo saraakiil ciidan ayaa kasoo qayb galay munaasabadda xil wareejinta. Mas'uuliyintaas waxaa kamid ah: Wasiirka Amniga Xasan Allore iyo taliyaha ciidamada Daraawiishta Siciid Dheere.

Taliyihii hore ee sirdoonka Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare) ayaa u hambalyeeyey taliyaha cusub isagoo ballan qaadey inuu si wanaagsan ula shaqeyn doono. Dhanka kale, taliye Khaatumo ayaa ka mahadceliyey qaabka xilka loogu wareejiyey.

Qaar kamid ahaa madaxdii dhaqanka iyo mas'uuliyiintii xafladda xil wareejinta soo xaadirey ayaa iyaguna carrabka ku adkeeyey inay lagama maarmaan tahay in ammaanka laga shaqeeyo isalmarkaana laga fogaado wax kasta oo nabadgelyada gobolka khalkhal gelin kara.

Xil wareejintan ayaa timid kaddib markii xal laga gaarey khilaaf muddo todobaadyo ah soo jiitamayey oo ka dhashey xil ka qaadis Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Gaas ku sameeyey saraakiil ciidan oo Cabdi Yare kamid yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni: Dalal Shisheeye ayaa doonaya inay Burcad-badeednimada u Adeegsanaya Boobka Khayraadka Puntland

Deni ayaa sidoo kale xusay hawlgalladii hore ee ciidamada badda ee dalalka shisheeye ay ka fuliyeen xeebaha Soomaaliya.

  • Puntland

    31-08-2026

  • 06:09AM

Dhulgariir cabbirkiisu yahay 6.0 oo ka dhacay xeebaha Puntland

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in dadka dhulka ku nool aysan dareemin gariirka, sababo la xiriira fogaanta uu dhulgariirku ka dhacay.

  • Puntland

    30-08-2026

  • 11:53AM