Taliyihii laanta CID-da Puntland oo is-casilay

Image
Image
Image
Image

Garowe, October 7,2014 [GO]- Taliyihii hogaanka CID-da Puntland G/sare Cabdifataax Maxamed Cumar ayaa sheegay inuu iska casilay, ka dib kulan uu maanta xilka ku wareejiyay taliye cusub oo lasoo magacaabay.

Munaasabadda oo ka dhacday xarunta laantan ayaa waxaa goobjoog ahaa Taliyaha ciidanka booliska Puntland Gen.Maxamed Siciid Jaqanaf iyo saraakiil kale.

Taliyihii hore ee CID-da G/sare Cabdifataax oo xilkan u magacaabay madaxwaynihii hore Cabdiraxman Farole ayaa sheegay sababta uu xilka isaga casilay ay gaar u tahay balse shaqooyin wanaagsan uu qabtay intii uu xafiiska joogay.

Hoggaanka cusub ee xilka kala wareegay ayuu kula dardaarmay inuu meel wanaagsan gaarsiiyo howlaha xarunta iyo shaqooyinka ka socda.

Taliyaha cusub ee CID-da Ibraahim Cali Xasan ayaa sheegay inuu halkaa kasii anbo qaadayo howlaha qabyadda ah ee uu ka tagay Cabdifataax Camay, wuxuna muujiyay inuu masuulkii ka horeeyay waxqabad wanaagsan uu sameeyay.

Warar madax banaan oo soo gaaraya warqabadka Garowe Online ayaa tilmaamaya sababta uu xilka isaga casilay Cabdifataax Camay tahay isagoo shaqo ka heley xafiiska Interpol ku leedahay wadanka Kenya. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM