Tartan kubadda cagta ahaa oo Garowe lagu soo gaba gabeeyey

Image
Image
Image
Image
Image
Image

December 20, 2014 (GO)- Magaalada Garowe waxaa xalay lagu soo gaba gabeeyey tartan kubadda cagta ah oo habeenadii lasoo dhaafay dhallinyarada cuslaatay ee horay uga tirsanaan jirey kooxaha kubadda cagta Puntland uga soconayey xarunta jirdhiska iyo ciyaaraha ee Classic Stadium.

Ciyaartii kama dambeynta ahayd ee koobkaas waxaa ka soo qayb galay Gudoomiye Ku-xigeenka Barlamanka, Wasiirka Amniga, Wasiirka Beeraha, Gudoomiyaha Gobalka Nugaal, Gudoomiyaha Ciyaaraha Gobalka Nugaal, Agaasimaha guud ee  dhalinyarada iyo ciyaaraha,Taliyaha ciidanka Asluubta Puntland iyo xubno metelayey qaybaha kala duwan ee bulshada.

Labada kooxood ee ciyaarta kama dambeysta ah isugu soo haray oo kala ahaa AJ Motors iyo iyo Garowe City ayaa soo bandhigay ciyaar xiiso leh inkastoo waqtigii rasmiga ahaa ee ciyaartu kusoo dhamaaday barbar-dhac hal iyo hal ah.

Ugu dambeyntii waxaa lagu kala baxay gool ku laad iyadoo ay guushu raacdey kooxdii ku dheeleysey magaca AJ Motors oo halkaas koobka iyo billad sharafba lagu guddoonsiiyey.

Mas'uuliyiinta ka qayb galay ciyaartaas ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in lasii dardar geliyo tartamada sportska ee caynkan oo kale ah si loo xoojiyo isku dhex galka iyo weliba isku xirnaanta dhallinyarada.

Koobkan oo ahaa kii ugu horreeyey ee noociisa ah waxaa loo qabtey dhallinyarada cuslaatay ee horay kooxaha kubadda cagta gobolka Nugaal ugu tirsanaan jirey.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM