Tartanka Horyaalka kooxaha heerka kowaad ee Puntland oo bilaaban doona

Image

GAROWE, Puntland- Tartanka horyaalka kooxaha heerka koowaad ee Puntland ayaa asbuuca  magaalo madaxda Puntland ee Garowe sidaas waxaa u sheegey Radio Garowe sarkaal ka tirsan xiriirka kubadda cagta Somalia.

Tartankaan ayaa waxaa ka qayb gali doona 9 kooxood oo kala dhisan magaaloyinka Garowe, Galkacayo, Qardho iyo Bossaso kuwaasoo is-aragooda ugu horeeya ku yealan doona magaalo madaxda Puntland.

Dib u dhaca ku yimid inuu bilowdo horyaalka kubbada cagta Puntland ayaa lagu sheegey dagaalka magalada Galkacayo ka dhacey kasoo sababey in kooxaha qaarkood diyaargaroobi kari waayeen.

Sarkaalkaan ayaa sheegey in dhamaan la diyaariyey qalabkii koxahaan u baahnaayeen     Islamarkaana dib habeyn lagu sameeyey garoomada ay ku cayaari lahaayeen.

Is-araga kooxahaan ayaa ka dhici doona dhamaan magaaloyinka kale ay ka dhisan yihiin iyadoo caayaraha ugu horeeya kawada dhici doonaan magaalada Garowe.

Halkaan ka Akhri shaxda is-araga koxahaan oo ay soo gudbiyeen xiriirka  kubbada Cagta Somalia.

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM