Tayada Adeegga Caafimaadka Puntland oo hoos usii socota

Image
Breaking News

Garowe-Alaha u naxariisto geerida, Maxamed Bashiir Cadceed oo ahaa nin dhalinyaro ah oo ku noolaa Puntland ayaa si wayn u gil-gishay baraha Bulshada.

Walaalkiis Dr Cad-ceed oo fariin ku qoray bartiisa Facebook ayaa ku sheegay in " halkii habeenkii qeybta gargaarka oxygenka ee ICU laga qaado kharash ka badan $250 isla markaana halkii baaritaan $100 laga qaado isla markaana aanu haysan meel kaliyaha loogu dhaqo".



Markii lasoo sheegay warka Geerida Maxamed Cad-ceed dadka adeegsada baraha Bulshada ee Puntland ayaa siwayn u dhaliilay Ganacsatada iyo maamulka.

Wasaarada Caafimaadka ee maamulkaan rubuc Qarni ka badan jira ayay ku tilmaameen mid kamid ah ilaha macaashka iyada oo Isbitaalada hoos tagga aanay lahayn habo yaraate tayo la isku halayn karo.

Inta badan dadka ku xanuusada gudaha Puntland ayaa loo qaadaa Muqdisho ama dhanka Somaliland marka laga yimaado dhakhtarka lafaha ee Carmo oo awal uu ka hawl-gali jiray alaha u naxariiste Dr Saalax Bilcil balse haddana ay wali ka hawlgalaan dhakhaatiir Dhalinyaro ah.

Ganacsatada Puntland ayaa iyagu kharashka ugu badan ku maalgeliya Hotelada iyo Siyaasadda iyada oo Haba yaraate aan Maalgeshi muuqda lagu samayn Caafimaadka taasi oo muujinaysa in aan Dan laga lahayn Nolosha muwaadiniinta.

Xukuumada Siciid Cabdulaahi Deni oo ololaha ku gashay 2019 Tayayn iyo Tiigsi Ayaan wax la taaban karo ka qaban kor u qaadista tayada Adeegyada caafimaadka iyada oo kaliya ay ku caan baxday adeegsiga Hal-ku dhagyo aan ficil loo badalin.

Hadaba Akhriste ilaa intee ayuu Heerka Adeegyada Caafimaadka Puntland ahaanayaa mid kamid ah kuwa ugu hooseeya guud ahaan Soomaaliya?

 

GaroweOnline.

Related Articles

Ciidamadda Puntland oo qabtey nin ku hubaysan walxaha qarxa

Howlgalkan ayaa xalay saqdii dhexe waxa uu ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Boosaaso.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 05:32PM

Puntland iyo Sweden oo ka shiray iskaashi dhanka mashaariicda horumarinta

Madaxweyne Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya, Joachim Waern.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 03:34PM