Tayeynta waxbarashada dugsiyada sarre Puntland oo laga shiray

Image
Guddiga ayaa ballan qaaday in Golaha Wakiilladu uu ka shaqeyn doono sidii loo xoojin lahaa adeegyada waxbarashada.

GAROWE, Puntland - Guddiga Gaarka ah ee Golaha Wakiillada Puntland ee loo xilsaaray kormeerka iyo u kuurgelidda xaaladda guud ee Gobolka Nugaal ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland.

Booqashadan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo horumarin lahaa tayada waxbarashada ee Puntland, gaar ahaan tacliinta sare iyo dugsiyada hoose iyo dhexe. Mas'uuliyiinta wasaaradda ayaa warbixinno ka bixiyay heerarka waxbarashada, caqabadaha taagan, iyo qorshayaasha lagu xallinayo dhibaatooyinka jira.

Guddiga ayaa ballan qaaday in Golaha Wakiilladu uu ka shaqeyn doono sidii loo xoojin lahaa adeegyada waxbarashada iyo sidii looga jawaabi lahaa baahiyaha muhiimka ah ee dugsiyada Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM