Tifatirihii shabakadda Shacabka Media oo Garowe lagu xiray

Image

January 21, 2015 (GO)- Ciidamada booliska ee Garowe ayaa xalay xabsiga u taxaabay Xuseen Yaasiin Godo Godo oo ah tifatiraha shabakada Shacabka Media.

Ninkan oo dhowaan Garowe soo gaarey, wuxuu kamid yahay qurbe-joogta reer Puntland ee kasoo jeeda gobolka Mudug.

Dowladu xarigiisa wax war ah weli kama soo saarin, waxaana socda dadaal ururka saxafiyiinta Puntland ee MAP ku doonayo in ninkaas dib xoriyaddiisa loogu soo celiyo.

Arintan ayaa kusoo aadeysa xilli marba marka ka dambeysa uu soo kordhayo walaaca laga muujinayo qaabka dowladda Puntland ee Madaxweyne Gaas hoggaamiyo ula dhaqmeyso warbaahinta.

Bishii December ee lasoo dhaafay ayey ahayd markii ururka wariyeyaasha aan xuduudka lahayd ee RWB sheegay in caburis lagu hayo bahda warbaahinta Puntland iyo weliba siyaasiyiinta mucaaradka.

Qoraal kasoo baxday xafiiska madaxtooyada Puntland u qaabisaln saxaafada September 20, 2014, waxaa lagu amray shirkadda isgaarsiinta ee Golis inay hawada ka saarto lix mareegood oo Garowe Online kamid tahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM