Tiktokerkii qabsaday Abaanduulihii ciidamada Somaliland!

Image
Image
Image
SAWIRKA: Baraha Bulshada

LAASCAANO, Soomaaliya - Ciidamada SSC-Khaatumo ayaa kadib dagaaladii maanta waxaa ay la wareegeen ilaa deegaanka Guumeys oo ku dhaw degmada Oog oo ah halkii ay Garaadadu horey u dalbadeen in ciidamada Somaliland la geeyo.

Taliyaha hawlgelinta ciidamada Somaliland ahaana sarkaalkii u sareeyay ee Goojacadde ku sugnaa, Feysal Cabdi Bootaan ayaa ciidamada SSC-Khaatumo ay gacanta ku dhigeen.

Hadaba sheekada layaabka leh ayaa ah in ciidamadii u horeeyay ee Feysal soo bandhigay iyo sawirada laga qaaday uu ku jiro tiktoker caan ka ah baraha bulshada.

Ninkaan oo aalada Facebook kusoo gala "Maan Samatar Baxnaan" ayaa Garowe Online ay ogaatay in uu Awoowe u yahay gabyaagii Samatar Baxnaan.

Ninkaan dhalinyarada ah ayaa hadal hays u qaatay maanta "Tiktokerkii Taliyaha qabsaday".

Maamulka Somaliland ayaan wali ka hadlin dagaalkii maanta iyo jabka ciidamadiisa gaaray iyada oo horey looga bartay in markiiba ay ka hadlaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM