Tirada dhimashada askarta oo korortey, Madaxweynaha oo booqdey

Image

June 21, 2015 (GO)- Waxaa korortey tirada askarta ku geeriyootey shil gaari oo saaka ka dhacay meel u dhow deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Afar askari oo dhaawac culus qabay ayaa geeriyoodey, waxayna taasi ka dhigeysaa tirada guud ee dhimashada toban qof halka dhaawacu gaarsiisan yahay shan iyo toban.

Dhaawacyada qaarkood waxay saraakiisha caafimaadku sheegeen in aan dalka waxba looga qaban karin, maadaama xaaladdoodu aad u culus tahay.

Badi askartu waxay wax ka qabaan madaxa, xangullaha iyo qoorta. Akhriso warbixin Garowe Online horay uga qoray shilkaas.

Madaxweynaha oo tegey isbitaalka:

Madaxweyne Cabdiweli Maxmed Cali Gaas oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada ayaa isbitaalka Garowe ku booqdey askarta dhaawaca ah.

Madaxweynuhu wuxuu xaaladda askarta ka waraystey maamulka iyo dhakhaatiirka isbitaalka, isagoo ku boorriyey in daryeel caafimaad oo khaas ah loo fidiyo.

Gaas ayaa sidoo kale tacsi u diray ehelada iyo qaraabada askarta geeriyootey, wuxuu iyagana Ilaah uga baryey inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo.

Ugu dambeyntii, Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dowladdu xil iska saareyso daryeelista ciidamada shilka galay, isagoo xusay in haddii ay suuragal noqoto, kuwo dhaawacyada culus qaba dalka dibaddiisa loo qaadi doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo weeraray goob uu ku sugan yahay ku-xigeenka Hogaamiyaha Daacish

Wararka ayaa intaasi ku soo beegmaya iyadoo ciidamada Puntland ay si weyn uga go’an tahay in ay burburiso xarumaha muhiimka ah.

  • Puntland

    13-10-2025

  • 12:45PM

Ciidamada Puntland oo Guulo Weyn Ka Gaaray dagaalka Buuraleyda Cal-Miskaad

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu helay meydadka dagaalyahanno la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymo uu qaaday AFRICOM.

  • Puntland

    06-10-2025

  • 01:11PM