Tirada dhimashada Dagaalka gobolka Mudug oo korartay

Image

GAALKACYO, Puntland - Waxaa sii kordhaya Khasaarihii ka dhashay dagaal labo Malleeshiyo beeleed u dhaxeeya oo ka socda qeybo kamid ah gobolka Mudug, iyadoo dawladda Puntland eedeymo culus u jeedisay Galmudug.

Illo ka madaxbanaan dhinacyada dagaalamaya ayaa Garowe Online u sheegay in colaadda oo socota tan iyo Axadii ay ku dhinteen in ka badan 23 qof, iyadoo tiro intaas dhaafsan ay ku dhaawacmeen.

Dagaal beeleedka ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay xooggiisa ka kala dhacay agagaar degmada Towfiiq iyo tuulada Afbarwaaqo ee bariga gobolka Mudug, waxaana dhinacyada isku adeegsadeen hubka culus iyo midka fudud.

Khasaaraha dhimashada waxaa u badan labada malleeshiyo beeleed, waxaana wararku sheegayaan in dhinacyada dirirta ay dhaawacyadooda kala geeyeen Isbitaalada Koonfurta iyo Waqooyiga Gaalkacyo.

Colaadda ayaa la sheegay inay salka ku hayso muran dhul-daaqsimeed oo ay kala sheeganayaan labada beelood, oo degaan ahaan kasoo kala jeeda maamullada deriska ah ee Puntland iyo Galmudug.

Ma jirto cid ila iyo hadda isxilqaantay oo labada dhinac ee dagaalamaya kala dhexgashay, marka laga reebo in dawladda Soomaaliya iyo Puntland ay kasoo saareen baaqyo nabadeed, oo loo diray beelaha.

Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, oo ah wasiirka arrimaha gudaha Puntland oo ka hadlay dagaalka ayaa sheegay in ciidamo katirsan Galmudug ay duulaan ku qaadeen degmada Towfiiq, halkaasina uu ka dhacay dagaal dhiig ku daatey.

Gobolka Mudug ayaa waxaa kusoo noqnoqda dagaallo u dhexeeya beello degan degaanada miyiga, oo colaaddooda inta badan ka dhalata aanooyin qabiil iyo khilaaf ka dhasha dhul daaqsimeedka iyo ceelasha biyaha laga cabo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM