Tirada kiisaska fayruska Corona ee degaanada Puntland oo gaartay 51

Image

GAROWE, Puntland - Guddiga Puntland u qaabilsan ka hortagga Coronavirus ayaa sheegay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan-geliyeen 13 kiisas cusub oo ah safmarka Coronavirus.

Warbixintooda maalinlaha ee 6-da May sanadka 2020 ayay ku sheegeen in bukaanada ay kamid yihiin 23 lagu baarey sheybaarka yaala magaala madaxda maamul goboleedka ee Garowe.

Sidoo kale, waxay tibaaxeen in aysan jirin dhimasho iyo soo kabasho cusub oo la xiriirta cudurka, 24-kii saac ee u dambeysay.

Tiradda guud ee kiisaska Covid-19 ee degaanadda Puntland ayaa waxay gaartay 51 kadib markii lagu daray xaaladaha cusub.

Bukaanadda 13-ka ah ayaa tobban kamid ah waxay joogaan gobolka Nugaal, halka saddexda kalena ay ku sugan yihiin Karkaar.

Intaas waxaa wehlisa, wadarta geerida oo wali ku taagan hal qof; dadka ka caafimaadey, illaa iyo haatan, waa hal muwaadin.

Dhanka kale, guddiga ayaa ku booriyey dadweynaha Puntland in ay ku dhaqmaan talooyinka caafimaad ee kaga imaanaya dhakhaatiirta iyo shaqsiyaadka aqoonta u leh culuumta caafimaadka.

Puntland ayaa hormuud u ah ololaha xakameynta caabuqa sidda fudud u faafa ee guud ahaan degaanadda Soomaaliya, waxaana maamulka uu soo rogay talaabooyinka looga hortagayo fayruskaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cabdirashid Yuusuf Jibriil oo la siiyay waddo nabadgelyo ah oo uga baxay Ceelbuh 

Dhanka kale, ciidamada Puntland ayaa ogaadey inay jiraan qorshayaal ay wasiirro iyo xildhibaanno ka socda Muqdisho.

  • Puntland

    07-07-2025

  • 06:36AM

Guddoomiye Hore oo Maleeshiyaad La Tegay Gobolkiisa — Puntland oo Ka Hortimid

Cabdirashiid Jibriil oo todobaadyadii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa…

  • Puntland

    06-07-2025

  • 06:52AM