Tirada kiisaska fayruska Corona ee degaanada Puntland oo gaartay 51

Image

GAROWE, Puntland - Guddiga Puntland u qaabilsan ka hortagga Coronavirus ayaa sheegay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan-geliyeen 13 kiisas cusub oo ah safmarka Coronavirus.

Warbixintooda maalinlaha ee 6-da May sanadka 2020 ayay ku sheegeen in bukaanada ay kamid yihiin 23 lagu baarey sheybaarka yaala magaala madaxda maamul goboleedka ee Garowe.

Sidoo kale, waxay tibaaxeen in aysan jirin dhimasho iyo soo kabasho cusub oo la xiriirta cudurka, 24-kii saac ee u dambeysay.

Tiradda guud ee kiisaska Covid-19 ee degaanadda Puntland ayaa waxay gaartay 51 kadib markii lagu daray xaaladaha cusub.

Bukaanadda 13-ka ah ayaa tobban kamid ah waxay joogaan gobolka Nugaal, halka saddexda kalena ay ku sugan yihiin Karkaar.

Intaas waxaa wehlisa, wadarta geerida oo wali ku taagan hal qof; dadka ka caafimaadey, illaa iyo haatan, waa hal muwaadin.

Dhanka kale, guddiga ayaa ku booriyey dadweynaha Puntland in ay ku dhaqmaan talooyinka caafimaad ee kaga imaanaya dhakhaatiirta iyo shaqsiyaadka aqoonta u leh culuumta caafimaadka.

Puntland ayaa hormuud u ah ololaha xakameynta caabuqa sidda fudud u faafa ee guud ahaan degaanadda Soomaaliya, waxaana maamulka uu soo rogay talaabooyinka looga hortagayo fayruskaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM