TOOS: Dhaarinta Xildhibaanada cusub ee Puntland

Image

GAROWE, Puntland - Waxaa magaalada Garowe ka socota maanta munaasabad lagu dhaarinayo Xildhibaanada cusub, ee Puntland, kuwaasoo shalay uu ku dhawaaqay Guddiga Xalinta Khilaafaadka iyo Ansixinta Gollaha Wakiiladda.

Xildhibaanada oo gaaraya 66 xubnood, ayaa 49 kamida waxay yihiin wajiyo cusub, oo dhalinyaro u badan, iyadoo 17 kale ay kasoo mid noqdeen Baarlamankii hore, oo dib loo soo doortay, waxaana ku jirta hal mudane oo haweeney ah.

Hoolka Gollaha Wakiiladda ee Puntland ayay ka dhacaysa munaasabadd dhaarinta Xildhibaanada, iyadoo ay ku sugan yihiin mas'uuliyiin sare, bahda warbaahinta iyo marti-sharaf kale.

HALKAN TOOS UGA DAAWO:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM