Shirweynaha Wadatashiga Puntland oo ka furmay magaalada Garowe

Image
Image

GAROWE, Puntland - Shirweynaha Wadatashiga Puntland oo si weyn loo agaasimay ayaa maanta oo Axad ah wuxuu si rasmi ah uga furmay magaaladda caasimadda ah Garowe.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa daah-furay Shirka, kaasoo ay ka qeybgalayaan mas'uuliyiin isugu heer maamul goboleed iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Ka qeyb-galeyaasha waxaa kamid ahaa siyaasiyiin xilal kala duwan kasoo qabtay Puntland iyo Dowladda Dhexe, kuwaasoo soo ajiibay martiqaad ka qeybgal ee loo fidiyey.

Deni ayaa intii uu ku guda jiray hadal-jeedinta carabka ku adkeeyay in shirka uu yahay mid ay aayahooda kaga tashanayaan bulshada ku midowday dhismaha Puntland.

Madasha oo maalmo socon doonta waxaa qorshuhu yahay in gabagabada laga soo saaro war-murtiyeed ay ku cad yihiin dhamaan qodobadii leysku raacay mudadii uu socday.

Isagoo hadalkiia sii wata, Deni ayaa ku eedeeyay Dowlada Soomaaliya in ay u awood-sheeganeyso maamul goboledyadda isla markaana si ku talagal ah u baalmartay dastuurka.

Xubnaha kala duwan ee goobta ka hadashay ayaa bogaadiyey qabsoomida kulanka, iyagoo rajeeyay in uu kasoo baxo natiijo fiican oo xoojisa dowladnimada Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM