Toyota oo xarun ka furaneysa caasimada Puntland ee Garowe

Image

GAROWE, Puntland – Shirkadda baabuurta soo saarta ee Toyota ayaa waxay si rasmi ah uga dhawaaqday in ay xarun ka furaneyso, Garowe, magaala madaxda dowladda Puntland.

Maareeyaha guud ee shirkadaasi, Jim Finch, oo ka qeybgalay Shirka Maalgashiga Puntland ee maanta furmay, ayaa wuxuu xusay in dhowaan xarigga laga jari doono faracooda cusub.

"…Waxaan halkaan aaminsan nahay in aan ka heli karno awoodda gobolka [Geeska qaaradda Afrika]," ayuu yiri, isaga oo madasha ka hadlaya.

Shaacintan ayaa waxay talaabo horey loo qaadey noqoneysaa qorshaha xukuumada Deni ee kobcinta dhaqaalaha iyo maalgeshi, taasi oo fursado u abuureysa shacabka.

Toyota oo laga leeyahay dalka Japan ayaa waxaa la aas-aasey sanadku markuu ahaa 1937-dii, waxayna sameysaa baabuurta ugu tayada fiican, iyada oo dalalka ku leh xarumo.

Bishii May ee sanadkii lasoo dhaafay ee 2018-kii ayay ahayd markii ay si rasmi ah shirkadan dib u boorka uga jartay howlgalkeeda dalka Soomaaliya.

Shirka Maalgashiga Puntland oo dardar xoog leh ku bilowday siina socon doona saddexda maalmood ee soo aadan ayaa waxaa aad loogu rajo weyn yahay in uu noqdo mid miro dhal ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM