TPEC oo diiradda saareysa taakulada dalalka caalamka

Image
Image
Image
Madaxda guddiga ayaa Switzerland kula kulmay hogaanka hay’adaha Interpeace, Kofi Annan iyo madax kale.

GAROWE, Puntland - Guddiga Doorashooyinka Puntland ayaa magaalada Genève ee dalka Switzerland kulamo kula yeeshay madaxda hay’adaha Interpeace, Kofi Annan iyo madax kale.

Kulamada Guddiga ayaa imaanaya xilli Ururo muhiim u ah horey u socoshada doorashada  ku tilmaameen doorashadii ka dhacdey Sadexda Degmo Ufeyn, Qardho iyo Eyl mid la musuqmaasuqey Islamarkanaa TPEC ku guuldareystey iney ka hortagto.

Dhinaca kale mid kamid ah ururadii la shegeey iney kuraasta ay heleen awood u siineyso in golaha degaanka Qardho iyo Ufeyn wax ka dhisaan ayaa xubno kamid ah u xiran yihiin  ku lug yeelashada arimaha xil ka qaadista lagu sameeyey Agaasimaha hay’adda PSF.

TPEC oo mas'uul ka ah geedi-socodka Puntland ugu gudbeyso dimuqraadiyada ayaa ka aamusan arimaha soo kordhey iyaga oo aan sheegin waxaa uu ka qabo xeerka doorashada Puntland.

Guddiga ayaa lagu eedeeyay inuu diirada saaro inuu taageero ka raadsho dalalka dhaqaalaha ku bixinaya barnaamijkaan. Balse indhaha iyo dhagaha ka fureysta in doorashadu noqoto mid xalaal ah.

HOOS KA AKHRISO NATIIJADA KULANKA

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM