Turkey oo loo diray baaq la xiriira drones-ka uu "keenay" Soomaaliya

Image
Xukuumadda Ankara ayaa lagu waaniyey in ay caddeyso mowqifkeeda wararka aadka loo baahiyey.

GAROWE, Puntland - Dowladda Turkiga waa in ay caddeysaa mowqifkeeda ku aadan wararka la xiriira in ay Soomaaliya keeneen diyaarado drones ah, sida uu ugu baaqay wasiirkii hore ee arrimaha gudaha waddanka.

Cabdi Faarax Saciid Juxa oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa gaarkaa h ee Facebook-ga ayaa cod dheer wuxuu uga digay halista ka imaan karta diyaaradahan aan duuliyaha lahayn.

Juxa oo sheegay in nasiib darro weyn ay tahay "in Soomaalidu Cadowgooda dhabta ah iyo Dawladooda" isku si uga cabsadaan, ugana aamin baxaan" ayaa soo jeediyey in aad looga feejignaado qaddiyadan.

"Xukuumad muddo-xileedkeedii sharciga ahaa dhamaaday, xoog; xeelad iyo xoolo waxay haysana u jahaysay la dagaalanka dadka aragti ahaan iyada ka duwan maxaa laga filan karaa hadday Drones hesho? Maloo arki karaa in Drones-ku qayb weyn ka yahay cago-juglaynta iyo boobka kuraasta doorashada?," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: "Hadday arrintaasi dhab tahay waxaa la oran karaa "waa aalad hubeed khatar ah oo gashay gacan khaldan oo aan aamin ahayn". Turkiga waxaa laga rabaa inay arrintan beeniso ama khatarteeda dadban damaanad ka bixiso. Waa nasiib darro in Soomaalidu "Cadowgooda dhabta ah iyo Dawladooda" isku si uga cabsadaan, ugana aamin baxaan".

Hadalka Juxa ayaa kusoo beegmaya xilli saacadihii lasoo dhaafay ay soo baxeen warar ku saabsan in xukuumadda Ankara ay dowladda Soomaaliya siisey diyaarado drones ah loona tababaro saraakiil ka tirsan ciidanka.

Mucaaradka oo walwal weyn ka muujiyey qaddiyadan ayaa hoosta ka xariiqay sidda ay muhiim u tahay in fahfaahin laga helo arrintan si loo kala caddeeyo in loo adeegsan karo xaaladda kala guurka ee dalka wajahayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM