Uexküll: Dimoqraadiyeenta PL waxay u tusaale u noqoneysaa maamulada kale

Image

GAROWE, Puntland - Andreas von Uexküll, danjiraha Sweden u fadhiya Soomaaliya, ayaa balanqaaday in dowladiisu ay taageeri doonto qorshayaasha isbedal ee uu wado Madaxwaynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni.

Deni, oo 8-dii bishii hore ee Janaayo loo doortay hogaamiyaha cusub ee Puntland 5-ta sano ee soo aadan, ayaa wacad ku maray kob-cinta dhaqaalaha, ciribtirka musuq-maasuqa iyo doorasho qof iyo cod.

"Waxaan kaloo kala shaqeyn doonaa Puntland xoojinta hay’addaha dowladda," ayuu safiirku ka yiri munaasabad balaaran oo habeenkii Axada lagu qabtay magaaladda Garowe, xarun goboleedka Nugaal.

Isaga oo sii hadlaya ayuu kalsooni wayn ka muujiyay in maamulka cusub ee marajaha u hayo Madaxwayne Deni uu ku guuleysto ka qaybgelinta haweenka ee siyaasada iyo dimoqraadiyeenta Puntland.

"Dimoqraadiyeenta Puntland waxa ay tusaale u noqoneysaa dowlad goboleedyadda kale ee wadanka," ayuu ku daray, isaga oo xusay in ay ka taageeri doonaa sidii ay u dhici lahayd doorasho qof iyo cod.

Safiirka oo bogaadiyey cilaaqaadka soo jireenka ah ee Sweden iyo Puntland ayaa carabka ku adkeeyay in ay xoojin doonan xiriirkaasi, wuxuuna balanqaaday mashaariicyo horumarineed oo dheeraad ah.

Mr Uexküll ayaa ku booriyay maamul goboleedyadda xubnaha ka ah dowlada dhexe ee Soomaaliya in ay wadasheyn dhow la yeeshaan xukuumada Muqdisho si dalka looga samata bixiyo meesha uu haatan joogo.

Danjiraha ayaa ku amaanay Madaxwayne Deni doorka hogaamineed ee uu qaatay, kaasi oo ah marti gelinta shir ay isugu imaan doonaa madaxda qaranka iyo kuwa dowlad goboleedyada, kaasi oo ka dhici doona Garowe dabayaaqada bisha Maarso.

"Waxaan rajeyneynayaa in shirkaasi ay kasoo baxaan natiijo wanaagsan," ayuu wakiilku daba dhigay hadalkiisa, isaga oo intaasi raaciyay "Waxaana ku bogaadinayaa madaxwayne Deni kaalintiisa hogaamineed".

Sweden oo kamid ah dalalka sida dhow u taageeraya Soomaaliya tan iyo burburka uu haatan dalka kasoo kabanayo ayaa degaanada Puntland ka fulisa mashaariicyo oo ay si wayn uga faa'ideystaan bulshadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Ingiriiska oo kawada hadlay xoojinta xiriirka labada dhinac

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya.

  • Puntland

    04-05-2024

  • 11:43AM

Dhimasho ka dhalatay dagaal ka dhex-dhacay xabsiga dhexe ee Gaalkacyo

Dowladda iyo maamulka Gobalka mudug ayaan wali ka hadlin waxa ka dhacay jeelka.

  • Puntland

    02-05-2024

  • 11:22AM