Ugaas Axmed Ugaas Maxamed oo saaka Gal-dogob lagu aasayo

Image

November 10, 2014 (GO)- Waxaa saaka degamada Gal-dogob ee gobolka Mudug lagu aasayaa AHN Ugaas Axmed Ugaas Maxamed oo ahaa isimka guud ee beelaha Tanade (Leel-kase) oo shalay ku geeriyoodey isla degmada Gal-dogob.

Aska Ugaas waxaa ka qayb gelay mas'uuliyiinta ugu sareeya Dowlada Puntland, isimo, culimaa'udiin, aqoon yahano iyo boqollaal kamid ah dadweynaha degmadaas ku dhaqan.

Ugaas Axmed Ugaas Maxamed oo kamid ahaa isimada soo jireenka ah qaybta weyna ka qaatay dhismaha Puntland, wuxuu sanadkii 1938 ku dhashay degmada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug.

Xilka waxaa si rasmi ah loogu caleema saaray sanadkii 1998, markaasoo aabihiis Ugaas Maxamed geeriyoodey. Kahor intaan lagu caano shubin, ugaasku wuxuu mudo 10 sano ka badan si kumeel gaar ah u hayey xilka maadaama aabihiis mudo dheer xanuunsanaa.

Faah faahin ku saabsan aaska ugaaska iyo sawiradaba dib ayaan idiinka soo gudbin doonaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM