Ujeedka socdaalka madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ee Garacad

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland – Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo maanta oo Arbaco ah ka dhoofay Garowe ayaa wuxuu gaarey magaaladda xeebta leh ee Garacad.

Ujeedka booqashadda oo ay ku wehliyaan maalgashto caalami ah ayaa lagu sheegay si uu kormeer ugu soo sameeyo dhismaha dekad cusub oo halkaasi laga dhisayo.

Mashruucan ayaa waxaa hirgelisay shirkad maxali ah oo lagu magacaabo Wadaagsin, taasi oo ku guuleystay dhismaha marsadaasi muhiimka ah

Wadaagsin ayaa waxay kamid ahayd shirkadihii ka qeybgalay Shirka Maalgashiga Puntland ee Talaadadii lagu soo gabagabeeyay Garowe.

Si lamid ah, waxay shirkaddan shaacisay in ay 100 milyan oo dollar-ka Mareykanka ay qorsheyneyso in guud ahaan Puntland ku maalgeshato.

Isaga oo ka hadlayey shirka, Deni ayaa wacad ku maray in aysan jirin caqabad maamulkiisa uga imaan doonta shirkadaha daneynaya maalgashiga.

Mashruuca lagu dhisayo dekadda cusub ee magaalada Garacad ayaa la filayaa in uu isku xiri doono gobolada dhexe ee Soomaaliya, dalka Itoobiya iyo Blue Economy

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM