UN-ka oo ka hadlay socdaalka la filayo in uu Deni ku tago Muqdisho

Image

GAROWE, Puntland – Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa Sabtida maanta ah soo dhaweeyay isla markaana bogaadiyey socdaalka la filayo in uu madaxweynaha Puntland ku tago caasimadda Muqdisho.

Barta Twitter-ka ee howlgalka ayaa lagu xusay "in ay farxad tahay" in wafdiga dowladda Soomaaliya ee ka qeybgalay Shirka Wadatashiga Puntland ay soo dhaweeyeen safarka aan wali la muddeyn.

"Waxaan dhowreynaa kulanka u dhexeeya Madaxweyne Deni & Madaxweyne Farmaajo si loo sii hormariyo wadahadalada danaha heerka qaran," ayaa lagu soo xiray qoraalka UNSOM oo ka koobnaa 41 xaraf, guud ahaan.

Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Khamiistii shaaciyey in uu u tagayo magaala madaxda waddanka si uu ugu gogol-xaaro shirka uu ku casuumay madaxda dowladda iyo maamulada.

Isagoo wariyeyaasha la hadlay kadib Shirka Golaha Wasiiradda, Deni ayaa intaas ku daray in uu booqan doono xarumaha dowlad goboleedyadda si uu qanciyo kasoo qeybgalka shirkaas.

Gogosha ay Puntland fidisay Garowe oo lagu waddo in looga hadlo "xaaladaha cakiran ee qaranka" ayaa qeyb ka ahayd qodobadii kasoo baxay Shirka Wadatashiga Puntland oo saddex casho socday.

Taageerada ay Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa u muujisay booqashada uu Deni ku tago Muqdisho ayaa kusoo aadeysa xili Puntand ay meesha ka saartay in ay madaxda dowladda federaalka kala xaajooneyso khilaafka jira.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Guddoomiye Hore oo Maleeshiyaad La Tegay Gobolkiisa — Puntland oo Ka Hortimid

Cabdirashiid Jibriil oo todobaadyadii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa…

  • Puntland

    06-07-2025

  • 06:52AM

Puntland oo Maalgelinaysa Mashruuc AfDB oo ay Siyaasadeysay Villa Somalia

Tallaabadan ayaa timid ka dib codsi kasoo baxay bulshada gobolka Mudug, kuwaas …

  • Puntland

    04-07-2025

  • 02:22PM