Urur siyaasadeedka KAAH oo kun doolar lagu gannaaxay

Image
Guddiga ku meelgaarka ah ee doorashooyinka ayaa guddiga ku eedeeyay "jebinta nidaamka ololaha".

GAROWE, Puntland - Guddiga ku meelgaarka ah ee doorashooyinka Puntland ayaa ganaaxay urur siyaasadeeda Kaah kadib markii lagu eedeeyay in uu jebiyey Nidaamka Ololaha Ururada Siyaasadda.

KAAH oo ah ururka ay doorashada horudhaca ah ee dowladaha hoose ku galeyso xukuumadda Deni ayaa lagu ganaaxay in uu bixiyo aduun lacageed dhan kun doolar kuna dhiibo muddo 3 casho ah.

Sida laga soo xigtey war-saxaafadeedka, go'aankan ayaa wuxuu kasoo baxay "fadhi uu Guddigu iskugu yimid maanta oo Sabti ah 16ka Oktoobar 2021 wuxuu ku go’aamiyay ganaaxyada hoos ka muuqda".

"Sida ay muujinayaan caddaymaha lifaaqaha hoose iyo qoraal uu nala wadaagay Guddoomiyaha TPEC degmada Eyl, waxaa cad in masuuliyiin ka tirsan Urur Siyaasadeedka KAAH ay isusoobax ku qabteen tuulada Xasbahale ee degmada Eyl maalintii Khamiista 14/10/2021 taas oo aan ahayn maalintii ururku lahaa ololihiisa," ayuu yiri guddiga.

Bayaankan nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa la raaciyey: "Tani waxay xadgudub ku tahay xeerka doorashada qodobada 22, 23 iyo jadwalka Guddigu udajiyay ololaha Ururada".

Dhanka kale, guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaaa xooga saaray bilihii udanbeeyay kor uqaadida fahamka habka ay ucodeynayaan iyo qaabka ay u calaamadaynayaan codbixiyayaashu waraaqda codbxinta.

Guddiga oo diyaar-garow ballaaran ku jira ayaa kulan wacyigelin ah u qabtay codbixiyayaasha degmada Qardho kuwaas lagu dhiirigaliyay u diyaargarowga maalinta Doorashada ee 25 October.

Hoos ka akhriso qoraalka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM