Ururada shuraakada ku ah diiwaan-gelinta lagu muransan yahay

Image
SINCAD oo uu gudoomiye ka yahay Ganacsade Jabiye iyo Kaah ayaa heshiis ku ah socodsiinta barnaamijkaan.

GAROWE, Puntland - Urur siyaasadeedyada KAAH iyo SINCAD ayaa noqdey labada urur oo kaliya ee ku tartamaya diwaangalinta doorashooyinka golayaasha degaanka ee lagu muransan yahay.

SINCAD oo uu gudoomiye ka yahay Ganacsade Jabiye iyo Kaah ayaa heshiis ku ah socodsiinta barnaamijkaan oo ay ka hor-yimaadeen ururkada kale, siyaasiyiinta iyo qayb kamid ah shacabka.

Labadaan urur oo gudoomiyaashooda ka soo jeedaan degaanka Karkaar ayaa ka muuqda baraha bulshada kuwaas oo la arkayo iyagoo ku tartamaya kala xodxodashada dadka ku soo biiraya.

Ururada kale ee shuraakada kula ah barnaamijkaan Ururka KAAH ayaa, sida warar lagu kalsoon yahay xusayaan, aan laheyn awood dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo ay dabada ka riixaan ololahooda.

Madaxweyne Dani oo qorsheynaya in barnaamijkiisaan ku soo baxaan Kaah, Sincad iyo urur laga soo saaro mid kamid ah ururada barnaamijkaan kula socda Madaxtooyada Puntland.

Arimahaan muuqanaya ayaa ku soo beegmaya xilli dhowaan guddiga doorashada KMG ah ee Puntland sheegeen in dadweynaha ku nool gobolka barri ka baaqsadeen in si buuxda isugu diwaan galiyaan barnaamijkan lagu muransan yahay.

Xoggaha la helayo ayaa sheegaya in sababta keentey hoos u dhaca is-diwaangalinta ay tahay in dadweynaha Puntland u arkaan in barnaamijkaan hal dhinac yahay islamarkaana lagu muransan yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM