Ururada Siyaasadda maamulka Puntland oo ku baaqay shirwayne

Image
Madaxwayne Deni ayay ku eedeeyeen in uu ka leexdey dhabaihii dimuqraadiyadda.

GAROWE, Puntland - Ururada siyaasadda Puntland ayaa sheegay in cawaaqib xumada ka dhalata doorasho aan hufnayn oo Puntland ka dhacda uu Deni qaadanayo, iyaga oo sidoo kale TPEC ku tilmaamay mid aan dhex-dhexaad ahayn.

Dhanka kale, waxay ku eedeeyeen Deni in uu ku hawlan yahay kala qaybinta ururada isaga oo kula wareegaya "gacan wasakh leh waa" sida ay hadalka u dhigeen.

Daahir Xaaji Khaliif, gudoomiyaha ururka Mideeye, ayaa sheegay "8-da January waa in doorasho dhacdaa, TPEC dhex-dhexaad ma ahan, Puntland-na ku darsi ma qaadi karto"

Maxamed Cabdiraxmaan Faroole oo kamid ah hogaanka ururka Horseed ayaa tibaaxay "Deni arintaan daacad kama ahan, anagu waxaan rabnaa 11 kaan qodob in uu fuliyo".

Maxamed Cabdi Daahir, xoghayaha guud ee ururka shaqaalaha ayaa caddeeyay "Gudoomiyaha TPEC wuxuu doonayaa in uu gudoomiyaha barlamaanka noqdo, maxkamad ayaan la tiigsanaynaa , waana u dhimanaynaa dimuqraadiyadda".

Asad Cabdul Shire, oo kamid ah masuuliyiinta ururka dhalinyarada, ayaa ku nuux-nuux-sadey "Deni labo qodob ma ahane, intii kale waa diiday, doorashaddii Eyl oo kale ma rabno".

Puntland ayaa galaysa mar-xalad siyaasadeed iyo xaalad kala guur ah bilooyinka soo aadan iyadda oo baarlamaanka uu bilooyin kadib guda galayo kal-fadhigiisii ugu dambeeyay taasoo ka dhigan in loo diyaar-garoobayo doorashooyin.

HOOS KA AKHRISO BAYAANKA URURADDA

No photo description available.

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM