Ururada siyaasadda Puntland oo loo diray fariin la xiriirta Covid—19

Image

GAROWE, Puntland – Guddiga wacyi-gelinta iyo ka hortagga Coronavirus ee Puntland oo soo saarey warbixintiisa maalinlaha ayaa wuxuu ku booriyey ururada siyaasadda in ay hakiyaan kulamadda.

Sidoo kale, wuxuu ka codsaday in ay joojiyaan isu-soo-baxyadda taageereyaashooda qabanayaan si looga hortaggo faafitaanka caabuqa safmareenka ah ee Covid-19.

Dhanka kale, war-saxaafadeedka oo nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online ayaa lagu xaqiijiyey in degaanada Puntland aysan ka jirin kiisas cusub oo ah dad la karan-tiilay.

Sidda ku xusan warbixinta, dhamaan gudoomiyeyaasha gobolada iyo degmooyinka "waxaa lagu wargelinayaa in ay xoojiyaan wacyigelinta si gaar ah goobaha dadka isugu yimaadaan".

Dadweynaha waxaa lala socod-siiyey "in ay wali reeban yihiin shirarka, xafladaha aroosyadda, kulamada garoomada ciyaaraha iyo goobaha lagu daawado ayna joogaan guriyahooda".

Laamaha ammaanka ayaa lagu tartarsiiyey "in ay adkeeyaan xuduudaha ay dadka socotadi ahi kasoo gelayaan si loo hubiyo bedqabka caafimaad iyo amniga shacabka Puntland".

Ugu dambeyntii, muwaadiniinta Puntland ee ku dhaqan gudaha iyo dibadda ayaa loogu baaqay in ay ka qeyb-qaataan Sanduuqa Taakulada ee ka hortagga iyo la dagaalanka fayruska dilaaga ah ee Corona.

Hoos ka akhriso warbixinta

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM