Ururka MAP oo cambaareynaya dilka wariye Cabdirizaq Silver

Image

Ururka Suxufiyiinta Puntland ee MAP ayaa Cambaareeyay Dilkii Foosha Xumaa ee lagu khaarijiyay Wariye C/risaaq Cali Cabdi oo caawa lagu dilay magaalada Galkacayo. Waxaa uu ka tirsnaa Idaacadda Daljir, islamarkaana Galkacayo  Waxaa uu uga  soo Warami jiray Telefishanka
Horncable.

*nin ku hubaysan Bastolad ayaa madax ka toogtay Wariye C/irsaq Silver oo markaa fadhiyay Baar ku yaal xero Darwiish, waxaa la fadhiyay nin Saaxiibkiis ah.Nin Wax dilay iyo Nman kale oo la socday ayaa goobtii ka cararay* Sidaas waxaa yiri Tifaftiraha Guud ee Idaacada Daljir  C/fitaax Cumar Geed .

* Dhowr jeer ayaa  Silver loogu  hanjabay in la dilayo. waxaa uu si ammaan ahaan ugu guuray mid ka mid ahaa hoteeladda Magaaladda Galkacayo* ayuu yiri sii raaciyay Cabdifataax Cumar Geedi.

Ma jirto ilaa iyo Hadda Cid ama koox sheegatay inay mas'uul ka ahayd dilka wariye C/risaaq Silver.

Ururka suxufiyiinta Puntland waxaa uu si adag u cambaaraynayaa dilkaas foosha xumaa, naxariis darnaa ee lagula kacay Wariye Cabdirisaaq Silver, waxaana uu ka codsanayaa Dowladda Puntland inay baarto dilkaas,sharcigana hor keento dambiilayaasha

Waxaan aad uga naxay Dilka Wariye Silver,  si adag ayaan u cambaaraynaynaa dilkaas,. waxaa uu ahaa wariye firfircoon oo lafdhabar u ahaa wariyaasha ka howlgala Puntland, gaar ahaan magaaladda Galkacayo,* ayay tiri xoghayaha warfaafinta ee ururka MAP Faadumo Maxamed Maxamuud
 

Ururka MAP Wuxu Tacsi u dirayaa u dirayaa Ehelkii, iyo asxaabta  uu ka geeriyooday Wariye C/irsaaq Cali Cabdi iyo  Sidoo kale Suxufiyiinta Reer Puntland, Gaar ahaan Shaaaalaha iyo Maamulka Idaacadda Daljir

Xigasho: Ururka Map

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM