W. Haweenka PL oo daah furtey todobaadka ka hortagga tacadiyada

Image

November 25, 2014 (GO)- Wasaaradda Haweenka iyo Arimaha Bulshada Puntland ayaa daah furtey todobaadka ka hortagga tacadiyada ay la kulmaan dumarku oo sanad walba marka xiligan lasoo gaaro caalamka oo dhan laga xuso.

Munaasabad lagu xusayay 25 November oo ka dhacday Garowe ayaa waxa soo qaban qaabisay Wasaarada Haweenka iyo Arimaha Bulshda Puntland, waxaana ka soo qayb galay xubno ka tirsan golaha xukuumada, baarlamanka iyo ururada haweenka Puntland.

Wasiirada Haweenka Aniso Xaaji Muuminoo furtay kulanka  ayaa tilaamay maalmahan in loogu talagalay in la soo bandhigo tacdiyada loo gaysto gabdhaha iyo caruurta, iyadoo sheegtay in tacadiyadaasi siugu jiraan kuwo qarsoon iyo kuwo muuqda.

Aniso ayaa sidoo kale tacdiyada lagula kaco dumarka ku tilmamatay inay ka mid yihiin kufsiga, gudniinka fircooniga ah, gabdhaha oon loo dirin waxbarshada  iyo hooyooyinka oo dhibaatooyin la kulma xilliyada ay uurka leeyihiin iyo weliba xiliga dhalmada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM