Waa sidee howlihii dekada Boosaaso kadib dilkii madaxii P&O Ports?

Image

BOOSAASO, Puntland - Labo maalmood kahor ayay ahayd markii madaxii shirkada P&O ee hoostagta DP World, Paul Anthony Fermosa, ay dabley ka tirsan Al-Shabaab ku dishay qaybta Nad Fish-ka ee marsada Boosaaso.

Ciidamada amaanka ayaa ku guuleystay inay isla goobta ku toogtaan gacan ku dhiig-lihii falka ka geystay, kaasi oo goor dambe ku geeryooday Isbitaalka guud ee xarunta ganacsiga dowlada Puntland.

Howlihii dekada ayaa hakad galay kadib dhacdadaasi oo uu cambaareeyay Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni, kaasi oo balanqaaday in jawaab cad oo uu maamulkiisa ka bixin doono iyo ciqaab ka dhan ah argagaxisada.

Eng Saciid Maxamed Raage, wasiirka dekadaha Puntland, oo shir jaraa’id ku qabtay dekada xarun goboleedka Bari ayaa daboolka ka qaaday in shilka aanu saameynin howlihii dekada.

Wasiirka ayaa raaciyay in kaliya ay joogsatay shaqadii ka socotay xafiiskii maareeyaha, taasi oo uu rajo wanaagsan ka muujiyay in sida ugu dhaqsiyaha badan loosoo magacaabo shaqsigii bedali lahaa.

"Dowladdu way ka xun tahay wixii dhacay…wax kasta oo dhoco shaqada dekada si caadi ah ayey usoconeysaa," ayuu wasiir Raage hadalkiisa daba dhigay, isaga oo umuuqda mid garabka ku dhufanaya warar la beehiyay.

Raage ayaa hoosta ka xariiqay in la bilaabay baaritaan lagu sameynayo sida uu falka u dhacay, isaga oo tibaaxay in cadaalada ay wajihi doonto cid kasta oo loo arko inay wax ka ogeyd dhibta lasoo wariyay.

"Marka uu dhib dhaco shaqadu way istaageysaa, sababta oo ah ninkii sii wadi lahaa ayaa loo baahan, laakiin waxaan idin sheegaynaa inay howshu socoto, xitaa howlwadeenadii ajnabi ah ay shaqeynayaa," ayuu raaciyay.

Saddex ruux kale oo ku dhaawacmay toogashada oo labo kamid ah ay ahaayeen ilaalo, halka kan kale uu ahaa Maareeye ku xigeenka kaasi oo kasoo jeeda India ayuu wasiiru bidhaamiyay in kasoo kabanaya waxyeelada.

Gabagabadii, wuxuu gobaadiyay qaabka ay ciidamada uga fal-celiyeen toogashada, taasi oo su’aal gelisay ku aadan heerka isku haleyn ee bad-qabka ajnaabiibta, inkasta wasiirka ku tilmaamay "wax dunida ay ka siman tahay".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM