Waa sidee xaalada magaalada Boosaaso kadib weerarkii xalay?

Image

BOOSAASO, Puntland – Tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax xalay ka dhacay magaalada dekada leh ee ku teedsan gacanka cadmeed.

Weerarka oo lasoo wariyay fiidnimadii Arbacada ayaa xaqiijiyay in lala beegsaday laba gaari ay wateen ciidamada amaanka degmada.

Sarkaal ka tirsan laamaha amaanka ayaa u xaqiijiyay warsidaha Garowe Online in qaraxa oo ahaa Miino uu haleelay mid kamid ah gaadiidka.

Inta la hubiyay lix kamid ah askarii saarneed gaariga oo qaarkood dhaawacyadoodu ay yihiin kuwa halis ah ayaa wax ku noqotay dhacdadaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada la bartilmaameedsaday ay wadeen howlgalo lagu sugayo nabad-gelyadda xarunta gobolka Bari.

Ma jirto koox illaa iyo haatan sheegatay mas'uuliyadda falkaan oo qayb ka ah kuwa lidiga ku ah nabad-gelyada ee looga bartay Al-Shabaab iyo Daacish.

Xaalada meesha ay wax ka dhaceen oo ay durba tageen hay’addaha amaanka ayaa la sheegayaa in ay saakay tahay mid degan.

Mas'uuliyihiin amniga gobolka Bari iyo kan degmada oo cambareeyay weerarkaasi ayaa faray ciidamada in ay soo qabtaan ragii ka dambeeyay weerarkaasi.

Boosaaso, xarunta ganacsiga dowlada Puntland, ayaa amnigeeda faraha uu ka baxay intii uu jiray maamulkii Cabdiwali Gaasi xili xukuumada cusub ay balanqaaday in ay ahmiyada koowaad siineyso sugitaankeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM