Xaafuun iyo Waaciye oo la sheegey in maamul loo dhisayo

Image

January 18, 2015 (GO)- Wasaradda arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Puntland ayaa sheegtey in dadaal xoogan ugu jirto sanadkan sidii goleyaal deegaan loogu sameyn lahaa degmooyinka aan lahayn goleyaasha deegaanka.

Agaasimaha guud ee wasaradda arrimaha gudaha Maxamed Cali Faarax ayaa sheegay inay ka go’an tahay sidii loo dhamayn lahaa degmooyinka maamulkoodu qabyada yahay, isagoo xusay in hadda lagu hawlan yahay dhismaha gollayaasha deegaanka Waaciye iyo Xaafuun.

Dhinaca kale waxa uu sheegay inay wadaan qorshaha lagu dhisayo gollaha deegaanka degmada Godob-jiiraan ee gobalka Nugaal, halkaasoo wali muran uu ka taagan yahay saami qaybsiga xildhibaanada.

Maxamed Cali Faarax ayaa waraysigan ku sheegay inay kormeer ku samaynayaan mashaariicdii JPLG ee ka socday degmada Qardho ee Gobalka Karkaar.

Bil kahor waxaa gole deegaan loo sameeyey degmooyinka Caluula iyo Bareeda oo labadooduba ka tirsan gobolka Gardafuu kuwaas khilaaf xoogan weli ka taagan qaabka beelaha u qabsadeen xubnaha.

Maamulada laga soo dhiso degmooyinka Puntland ayaa waxaa lagu soo xushaa qaab qabiil oo aan aheyn doorasho toos ah kuwaasoo keena in qabaa'ilka wada daga degaankaas kala sadbursadaan xulshada xubnaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM