Waanwaan laga dhex-bilaabayo Deni iyo Madaxtooyada Soomaaliya

Image
Maqnaanshiyaha madaxweynaha Puntland ee shirkii Baydhabo ayaa la sheegay in ay salka ku haysa arrimo shaqsiyadeed.

GAROWE, Puntland - Saddex kamid ah madaxwyaneyaasha maamulada Soomaaliya ayaa loo xil-saarey in ay garwadeen ka noqdaan wadahadalo lagu xalinayo khilaafka siyaasadeed Saciid Cabdullaahi Deni iyo Villa Soomaaliya.

War-murtiyeedka kasoo baxay shirkii magaalada Baydhabo ku yeesheen Golaha Watashiga Qaranka ayaa lagu go'aamiyey in madaxda Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle loo diro Garowe si ay ula hadlaan Deni.

Talaabadan ayaa, sidda laga soo xigtey war-saxaafadeeda, waxaa loo qaadey "si dowladda Puntland ay doorkooda uga qaataan wada-hadalada masiiriga u ah dhameystirka dowlad dhiska dalka".

"Goluhu wuxuu isla gartay in guddi ka kooban Xubno ka mid ah Golaha Wadatashiga Qaran oo kala ah Cabdiaziz Xasan Maxamed (Laftagareen), Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) loo diro Dowladda Puntland, si ay doorkooda uga qaataan wada-hadalada masiiriga u ah dhameystirka dowlad dhiska dalka," ayaa lagu yiri bayaanka.

Madaxwayne Deni ayaa diidey in uu xaadiro wadaxaajoodyadda Baydhabo sababo ku aadan is-mari-waaga siyaasadeed soo if-baxay tan iyo markii uu waayay xilalka madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha Soomaaliya.

Maqnaanshiyaha Saciid Cabdullaahi Deni ee shirkan ayaa dhalisay walwal ku saabsan in uu danahiisa shaqsiga ah u burburinayo arrimo masiiri ah oo kaalin mug leh ku leh dowlad-dhiska Soomaaliya.

"Ugu yaraan waxay ahayd in uu Baydhabo u diro wakiil gudbiya cabashada Puntland waaba haddii ay tahay mid u adeegaysa danta maamulka inkasta oo ay u muuqato mid shaqsiyadeysan," ayay sheegeen falanqeeyeyaasha.

Ajandaha kulan-madaxeedka magaaladda Baydhabo ayaa ku saabsanaa qaab dhismeedka amniga qaranka, hannaanka federaaleynta maaliyadda, doorashooyinka heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed taasoo ka dhigaysa mid masiiri ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM