Waaran loo jaray dad ku eedeysan dhoofinta dhirta geed-quwaaxa

Image
Xeer-ilaalinta dowladda Puntland ayaa amartay in sida ugu dhakhsaha badan loosoo xiro shaqsiyaadkan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xeer-ilaalinta dowladda Puntland ayaa Arbacada maanta ah waxay waaran deg deg ah u jartay dad horleh oo ku eedaysan mashruuca dhoofinta dhirta geed-quwaaxa.

Warqad ka soo baxday xafiiska xeer ilaalinta Puntland ayaa lagu amray in sida ugu dhakhsaha badan loo soo qabto sharciga la horkeeno dadkaas ku eedaysan kiiska dhoofinta geed-quwaaxa.

Magacyada dacwaysan ee ka muuqda warqaddaas waa ilaa shan eedaysane oo qaarkood si weyn loo raadinayo, sida ku xusan dukumiintiga oo nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online.

Balse, xeer ilaalintu ayaanan bixin wax ogolaansho lagu baahiyo warqaddaaas inta laga soo qabanayo shakhsiyaadka dacwaysan sababo ku aadan "cabsi ku aadan in ay baxsadaan".

Ka ganacsiga geed-quwaaxa ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay aad ugu soo batay degaanada Soomaaliya gaar ahaan Puntland iyadda oo tani ay walwal ku abuurtey dadka degaanka iyo saynisyahanadda.

Warar madax-banaan ayaa sheegaya in geedkan loo dhoofiyo dibadda. Dadka u dhuun-daloola ganacsigan waxay sheegayaan in dalabka ugu badan uu ka imaanayo suuqyadda Aasiya.

Jarida iyo dhoofinta dhirta ayaa mamnuuc ka ah guud ahaan Soomaaliya maadaama ay ka qeyb-qaadaneyso nabad-guur ku dhaca degaanka taasoo cawaaqibkeeda ay ku xiran tahay isbadalka cimiladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu khatar Ku yahay Nidaamka Federaalka iyo Jiritaanka Jubaland

Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu wado qorshe doorasho uu maamulkeeda kaligiis leeyahay, natiijadeedana uu sii ogyahay.

  • Puntland

    14-05-2025

  • 12:11PM

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM