Waaran loo jaray dad ku eedeysan dhoofinta dhirta geed-quwaaxa

Image
Xeer-ilaalinta dowladda Puntland ayaa amartay in sida ugu dhakhsaha badan loosoo xiro shaqsiyaadkan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xeer-ilaalinta dowladda Puntland ayaa Arbacada maanta ah waxay waaran deg deg ah u jartay dad horleh oo ku eedaysan mashruuca dhoofinta dhirta geed-quwaaxa.

Warqad ka soo baxday xafiiska xeer ilaalinta Puntland ayaa lagu amray in sida ugu dhakhsaha badan loo soo qabto sharciga la horkeeno dadkaas ku eedaysan kiiska dhoofinta geed-quwaaxa.

Magacyada dacwaysan ee ka muuqda warqaddaas waa ilaa shan eedaysane oo qaarkood si weyn loo raadinayo, sida ku xusan dukumiintiga oo nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online.

Balse, xeer ilaalintu ayaanan bixin wax ogolaansho lagu baahiyo warqaddaaas inta laga soo qabanayo shakhsiyaadka dacwaysan sababo ku aadan "cabsi ku aadan in ay baxsadaan".

Ka ganacsiga geed-quwaaxa ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay aad ugu soo batay degaanada Soomaaliya gaar ahaan Puntland iyadda oo tani ay walwal ku abuurtey dadka degaanka iyo saynisyahanadda.

Warar madax-banaan ayaa sheegaya in geedkan loo dhoofiyo dibadda. Dadka u dhuun-daloola ganacsigan waxay sheegayaan in dalabka ugu badan uu ka imaanayo suuqyadda Aasiya.

Jarida iyo dhoofinta dhirta ayaa mamnuuc ka ah guud ahaan Soomaaliya maadaama ay ka qeyb-qaadaneyso nabad-guur ku dhaca degaanka taasoo cawaaqibkeeda ay ku xiran tahay isbadalka cimiladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM