Wadahadaladii ugu dambeeyey oo ka socda madaxtooyada Garowe

Image

GAROWE 1 May 2015 (GO)- Wararka warsidaha GO soo gaaraya ayaa sheegaya in xarunta madaxtooyada Puntland ka socdaan wadahadallo ay goob joog ka yihiin Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh, Madaxweynaha Puntland iyo madaxda maamullada Jubaland iyo Konfur galbeed  kuwasoo lagu falanqeynayo sidii meel dhexe la isugu keeni lahaa qodobada la isku hayo.

Warsidaha Garowe Online ayaa fahansan inay suurtagal tahay in war-saxafdeed is-fahan ah kasoo baxo qodobada la isku hayo, wararka ayaa sheegaya in waftiga Madaxweynaha Somalia la socdey oo u badan wasiiro maanta ka ambabaxeen magaalada Gorowe.

Dhinaca kale wararka ka imaanaya kulankaan ayaa sheegaya in dood kululi ka socoto qodobka qaybsiga khayraadka iyo madax baannaanida in  dowlada Puntland iyo maamullada kale heshiis la gali karaan shirkadaha shisheeye, qodobkaas ayaa madaxweynaha Somalia diidan yahay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in qodobka Mudug caqabad weyn ka taagan tahay sidii meel dhexe la isugu imaan lahaa, maadaama Xasan Shiikh diidan yahay inuu kala cadeeyo qaybta gobolka ee uu saameynta ku yeelanayo shirka ka socda magaalada Cadaado.

Wararka la xiriira kulankaan waxaa kala socon kartaan warsidaha Garowe Online 

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM