Wadanka Masar oo deeq waxbarsho siiyey dalka Somalia

Image

Isniin, Octeber 6,2014 [GO]- Madaxweynaha dalka Masar Cabdull Fattah al-Sisi ayaa kulan uu la qaatey Wasiirkiisa waxbarshada Maxamud Abou El Nasr  ka dalbadey in waxbarasho gaareysa 200 ardey loogu deeqo wadanka Somalia

Warkaan ayaa intaas ku daraya in dowlada dalka Masar ardeyda joogta wadankeeda ugu deeqdey 50 waxbarsho Jaamacadeed ah iyadoo loo marinayo safiirka dowlada Federaalka u fadhiya dalkaas halka 150 kalena loo gudbinayo Wasaarada Arrimaha dibbada ee dowlada Somalia.

Dowlada Federaalka oo deeqahaan kuwa lamid ah ka hesha wadamada saxiibka la ah Somalia ayaa guud ahaan waxaa la rumeysan yahay ineysan si cadaalad ugu qaybin dalka Somalia.

Dhinaca kale deeqdaan waxbarsho oo laga heley wadanka Masar ayaan la aqoon in dowlada Federaalka si cadaalad ah ugu qaybin doonto ardeyda ku nool dhamaan gobolada iyo maamulda Somaliyeed iyadoo la wada ogsoon yahay in musuqmaasuq baahsan ka jiro qaabka loo maamulo.

Dowladda Federaalka ayaa horey u diidey iney aqoonsato nidaamka waxbarsho ee maamulka Puntland taasoo sababtey inuu xumaado xiriirka u dhexeeya labada dhinac.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM