Wafdi ka socda Aqalka Sare oo gaarey Garoowe [DAAWO]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland - Wafdiga Aqalka Sare ee dhexdhexaadinta Khilaafka siyaasadeed ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyada ayaa maanta gaarey magaalada Garoowe, ee caasimadda Puntland.

Waxaa wafdiga oo kusoo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha, Senator Cabdiraxmaan Farole, oo gudoomiye u ah gudiga Aqalka Sare ee lo diray Garoowe iyo Afhayeenka Aqalka Wakiiladda Puntland, Axmed Cali Xaashi iyo mas'uuliyiin kale oo labada golle katirsan.

Senator Farole oo Saxaafadda kula hadlayay Garoonka ayaa uga mahadceliyay marka hore xubnaha Baarlamaanka Puntland sida ay ugala qeyb-galeen soo dhaweynta Gudiga Senate-ka ee gaarey magaalada Garoowe.

Mudane Axmed Cali Xaasho oo hadalka ku hor-maray, islamarkaana wax badan sheegin ayaa u rajeeyay gudiga inuu ku guuleysto howshiisa dhex-dhexaadinta, ee Aqalka Sare usoo xil-saarey inay ka dhex sameeyaan dowladda Federaalka iyo Puntland.

Mudane Farole ayaa sheegay in khilaafka taagan uu yahay mid inta badan dhaca xilliyada ay doorashooyinka kusoo wajahan yihiin maamul goboleedyada, taasoo u baahan in xalkeeda loo maro si waafaqsan dastuurka Federaalka.

Xubnaha Wafdiga Senaate-ka ee gaarey Garoowe:

Sen. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Farole) “Guddoomiye”
Sen. Maxamuud Axmed Maxamuud (mashruuc)
Sen. Siciido Xasan Cusmaan
Sen. Xuseen Sheekh Maxamuud
Sen. Cismaan Axmed Macow
Sen. Mustaf Maxamed Qodax
Sen. Bootaan Barre Samatar
Sen. Cabdisalaan Xaaji Maxamuud Dheere
Sen. Farxaan Cali Xuseen
Sen. Hodan Maxamuud Cusmaan
Sen. Ayuub Ismaaciil Yuusuf
Sen. Shukri Adam Maxamed.

Xubnahan ayaa inta ay ku sugan yihiin Garoowe la kuli doona Madaxweyne Cabdiweli Gaas, gollahiisa Wasiiradda, Xildhibaanada iyo qeybaha kale ee ay khuseyso howshooda xal-raadinta ah.

Gudiga ayaa markii ay howshooda xog-aruurinta usoo dhamaato warbixin buuxda u gudbin doona Aqalka sare si go'aan looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee Villa Somalia iyo maamullada, oo hadda meel xun marayo.

Sidoo kale, gudiyo ka socda Aqalka Sare ayaa ku wajahan caasimadaha maamullada kale, iyadoo safaradooda kusoo beegmaysaa xilli Gollaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ay shuruudo adag ku xireen ka qeyb-galka Shirka uu Farmaajo iclaamiyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM