Wafdi ka socda Laanqeyrta Cas oo gaarey magaalada Garowe

Image
Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland ayaa ku qaabilay xafiiskiisa maanta oo Talaado ah.

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Ilyas Osman Lugatoor ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Mr Antoine Grand, Madaxa Ergada Laanqayrta Cas ee Soomaaliya iyo wefti uu hogaaminayo.

Kulanka ayaa looga hadlay Mashaariicda horumarineed iyo kuwa Bini’aadanimo ee Laanqayrta Cas ka wado deegaanada Puntland.

Shirka waxa ka qayb galay Wasiir Dowlaha Madaxtooyada Cabdifataax Cabdinuur iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Maxamed Jaamac.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM