Wafdi ka socda Midowga Yurub oo Galkacayo gaarey

Image

December 1, 2015 (GO)-  Wafi ka socda Midowga Yurub ayaa gaarey magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug.

Wafdigan oo qayb ka noqon doona dadaallada nabadeynta ee maalmihii lasoo dhaafay socdey, waxaa hoggaaminaya Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Michele CervoneD'Urso.

Horay waxaa magaalada Gaalkacayo ugu sugnaa wufuud ka kala socda Dowladda Federaalka, Puntland, Galmudug, Jubaland iyo Koonfur Galbeed.

Waxaa sidoo kale 24tii saac ee u dambeeyey magaalada soo gaarayey wufuud tiro badan oo isugu jira madaxda dhaqanka iyo culimaa'uddiin.

Dhanka kale warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in uu magaalada Galkacayo kusoo wajahan yahay Ergeyga Qaramada Midoobey u Qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay. 

Kay oo isagu labo sano iyo bar xilkan soo hayey, qayb weynna ka qaatey Higsiga 2016 iyo hirgelinta nidaamka federaalka, wuxuu muddo-xileedkiisu ku egyahay dhammaadka bishan December.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM