Wafdi ka socda Midowga Yurub oo Galkacayo gaarey

Image

December 1, 2015 (GO)-  Wafi ka socda Midowga Yurub ayaa gaarey magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug.

Wafdigan oo qayb ka noqon doona dadaallada nabadeynta ee maalmihii lasoo dhaafay socdey, waxaa hoggaaminaya Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Michele CervoneD'Urso.

Horay waxaa magaalada Gaalkacayo ugu sugnaa wufuud ka kala socda Dowladda Federaalka, Puntland, Galmudug, Jubaland iyo Koonfur Galbeed.

Waxaa sidoo kale 24tii saac ee u dambeeyey magaalada soo gaarayey wufuud tiro badan oo isugu jira madaxda dhaqanka iyo culimaa'uddiin.

Dhanka kale warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in uu magaalada Galkacayo kusoo wajahan yahay Ergeyga Qaramada Midoobey u Qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay. 

Kay oo isagu labo sano iyo bar xilkan soo hayey, qayb weynna ka qaatey Higsiga 2016 iyo hirgelinta nidaamka federaalka, wuxuu muddo-xileedkiisu ku egyahay dhammaadka bishan December.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM