Wafdi ka socda Shiinaha oo la kulmay Madaxweynaha Puntland [Sawirro]

Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa maanta magaaladda Boosaaso ku qaabilay Safiirka Dowladda China ee Soomaaliya Amb. Wang Yu Ambassador iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Liibaan Muuse Boqor iyo Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Cabdifataax Maxamed Cabdinuur.

Shiinaha ayaa saameyn ku yeelanayay sanadihii dambe dalka Soomaaliya, waxuuna dagaal kula jiraa Taiwan oo xiriir toos ah la leh maamulka Somaliland. Shiinaha ayaa dhawaan gargaar bini'aadanimo gaarsiiyay SSC-Khaatumo.

Booqashada waxay kaloo kusoo aadaysaa xili Burcadbadeedda afduubka u haysataan markab kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Shiinaha oo dabayaaqadii bishii November ee sannadkan laga afduubtay xeebaha Puntland, waxaana kooxda haysata dalbatay madaxfurasho lacageed oo dhan 10 milyan oo doollarka Mareykanka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Waaweyn Ka Gaaray Howlgalka Ka Dhanka ah ISIS

Sanado badan, buuraleyda Cal-Miskaad ayaa ahayd goobaha ugu muhiimsan ee ay argagixisadu ku dhuumaalaysato.

  • Puntland

    04-09-2025

  • 12:11PM

Puntland oo ku eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu jabiyay Dastuurka Soomaaliya

Ilaa hadda, madaxtooyada Soomaaliya kama aysan jawaabin eedeymaha kasoo yeeray Puntland.

  • Puntland

    01-09-2025

  • 06:58AM