Wafdi ka socda Qadar oo maanta Garoowe soo gaarey

Image
Image
Image

November 14, 2014 (GO)- Wafdi u horkacayey ku-simaha safiirka Dowladda Qadar ee Soomaaliya Xasan Xamsah ayaa maanta soo gaarey magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda oo wasiirro u badan, xildhibaano, isimo iyo dadweyne fara badan ayaa wafdigaas garoonka diyaaradaha ee Garowe kuso dhoweeyey.

Intaas kadib waxaa wafdiga loosoo gudbiyey xarunta madaxtooyada halkaasoo Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas iyo mas'uuliyiin kale oo dowladda ka tirsani si diirran ugu soo dhoweeyeen.

Gaas wuxuu uga mahadceliyey Mr. Xamsah iyo xubnaha la socda booqashada ay Puntland kusoo gaareen, dhanka kale ku-simaha safiirka Qadar ee Soomaaliya ayaa ka mahadceliyey soo dhoweynta dadka iyo Dowlada Puntland Garowe ugu sameeyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM