​Wafdi kasocda Turkiga oo Garowe soo gaaray

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE- Wafdi uu hogaaminayo Safiirkii hore ee dowladda Turkiga u fadhiyay dalka Somalia Dr. Kani Torun haatanna ah xildhibaan Barlamanka waddankaasi kamid ah ayaa maanta soo gaaray magaalo madaxda Puntland ee Garowe, waxaana  la socday safiirka cusub ee Turkiga u fadhiya Somalia Ambassador Olgan Bakar iyo saraakiil sare oo ka tirsan safaaradda dalkaasi.

Mas'uuliyiintan ayaa loo sameeyay soo dhaweyn waxaana garoonka diyaaradaha Canoco kaga hortagay Gudoomiyaha Barlamanka Axmed Cali Xaashi iyo xubno katirsan golaha wasiirrada Puntland.

Soo dhaweynta mas'uliyiintan Turkiga kasocda iyo madaxweyne Gaas ayaa wada qaatay kulan albaabada loo xiray, waxaana markii uu soo dhammaaday warbaahinta si wadajira ah ula hadlay madaxweyne Gaas iyo Xildhibaan Kani Torun.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in ay kawada hadleen wafdigan xiriirka u dhexeeya Dawladda Puntland iyo Dawladda Turkiga, arrimo khuseeya bulshada, bani’aadanimada iyo mashaariic horumarineed oo dawladda turkigu ka waddo Puntland iyo geeddi-socodka Nabadda Somalia.

“waxay noogu yimaadeen inaanu kawada hadalno xiriirka ka dhexeeya Turkiga iyo Dawladda Puntland, sidoo kale waxaanu kawada hadalnay mashaariicda horumarineed, arrimaha ijtimaaciga ah iyo mid xagga banii’aadannimo oo ay doonayaan in ay ka sameeyaan Soomaaliya gaar ahaan Puntland iyo sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen geeddi-socodka nabadda Soomaaliya,”Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Dhinaca kale Dr. Kani Torun ayaa tilmaamay inuu aad ugu faraxsanyahay qaabka wanaagsan ee Garowe loogu soo dhaweeyay, wuxuuna xusay inay Puntland u yimaadeen sidii loo dar-dargelin lahaa mashaariicdii ay kawadaan Somalia.

Waa markii saddexaad wafdi kasocda Turkigu soo gaaraan magaalo madaxada Puntland ee Garowe, waxaana arrintani kusoo aadaysa xilli ay socdaan kulamo looga hadlayo habraaca doorashada Somalia iyo qaabka Puntland loogu qancin lahaa inay qaadato 4.5.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM