Madaxweynihii hore ee Puntland oo Qardho lagu soo dhoweeyey

Image
Image
Image
Image
Image

06 January, 2016(GO)-Wafdi uu hogaaminayo madaxweynihiii hore Puntland Cabdiraxmaan Farole ayaa saaka lagu soo dhaweeyay magaalada Qardho xarunta gobolka Karkaar xilli ay ku sii jeedaan magalada Bosaso oo 08 bishan xariga looga jari doono garoonka diyaarahada degmadaas.

Maamulka gobolka. kan degmada, waxgarad iyo bulshada ku nool Qardho ayaa si diirran u soo dhaweyay wafdiga,  waxana Madaxweyni hore Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud ”Farole” uu gacan qaaday dadweynaha soo dhoweeyay isagoo u mahadceliyay.

Soo dhaweyn kadib ayuu la kulmay Nabadoonada, isagoo kala hadlay in laga wada shaqeeyo danta guud ee Puntland iyo Somalia.

Gudoomiyaha degmada Qardho Cabdi Siciid Cismaan ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin imaansha madaxweynihii hore Puntland.

Qaar kamid ah waxgaradka degmada oo goobta lagu soo dhaweyay madaxweynaha ka hadlay ayaa ammaanay waxqabadkiisa Puntland mudadii uu xilka hayay, waxayna u rajeeyeen mustaqbal wanaagsan.

Madaxweynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Farole oo la hadlay waxgaradka ayaa sheegay inuu ka mahacelinayo soo dhaweynta loo sameeyay isagoo sheegay ujeedka socdaalkiisa inuu yahay furitaanka garoonka Bosaso oo uu tilmaamay inay keenista mashruuca lagu dhisay kadambaysay xukuumaddisii.

Dadka degmada Qardho ayuu ku ammaanay qaabka ula soo shaqeeyeen xilligii uu ahaa madaxweynaha Puntland, wuxuuna xusay in waddanku hormar gaaray islamarkaana imaanayaan Somalida kale ee ku nool goobaha dhibaatooyinku ka jiraan.

Soo dhaweyn kadib mas'uuliyiinta ayaa amba qaaday safar qorshaysan oo ugu sii jeedaan magalada Bosaso waxayna ka qayb gali doonaan munaasabadda xarig jarka garoonka diyaaradaha xarunta ganacsiga Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM