​Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Dastuurka Somalia oo Garowe soo gaaray [Daawo]

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Dastuurka dowladda Federaalka Somalia islamarkaana ay qayb ka yihiin Xildhibano iyo saraakiil kale ayaa maanta soo gaaray magaalada Garowe caasumadda Puntland, waxaana soo dhaweyn loogu sameeyay xarunta Madaxtooyada.

Madaxweynaha Puntland ayaa ku qaabilay xarunta looga arrimiyo Puntland iyagoo kwada hadlay arrimo kala duwan oo ku saabsan xaaladda Somalia.

Shir saxaafadeed ayaa si wadajir ah waxaa u qabtay Wasiirrada Dastuurka ee Federaalka iyo Puntland, kulan Albaabadu u xirnaa kadib,  waxayna ku shaaciyeen ujeedka Socdaalka wafdiga uu hogaaminayo Wasiir Xoosh.

Waxay sheegeen inuu la xariiro arrimaha dib u eegista Dastuurka Somalia.

Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Puntland Cali Xirsi Oog, ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin booqashada mas’uuliyiinta isagoo xusay in socdaalkoodu daba socdo shir horay uga dhacay magaalada Muqdishu.

Dhinaca kale Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa sheegay in wasaaraddu wado dadaalo ku aadan dib u eegista Dastuurka Somalia isagoo intaas ku daray in socdaalkooda ugu horeeyay doorteen inay ku tagaan Puntland maadama ay tahay hooyada Federaalka sida uu hadalka u dhigay.

Booqashadan ayaa timid xilli dowlada dhexe wado dadaalo ku aadan dib u eegis lagu sameeyo Dastuurka Qaranka iyadoo aragtiyo kala duwan laga qaaday dad matalayay bulshada Rayidka islamarkaan shir isugu yimaadeen wasiirrada Dastuurka ee maamulada xubinta ka ah DFS.

GAROWENLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM